U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Mudug Oo Dib Hawada Ugu Soo Laabatay, Maalmo Ay Maqneyd Kadib

Sheeko:Dalka

Labadii maalin ee aynu kasoo gudubnay waxaa hawada ka maqnayd isgaarsiinta degmada Hobyo iyo deegaanno kale oo hoostaga degmadaasi, hase yeeshee saacado kahor ayaa hawada dib loogu soo celiyey.

Cabdullaahi Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha degmada Hobyo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in cillado farsmo oo kaliya ay jirtay, islamarkaana muddadii Isgaasriintu maqneyd ay saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan deegaannadaasi.

Guddomiyaha ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahan dambe la’isla dhexmarayey oo ahayd in Al-shabaab ay damiyeen isgaarsiinta islamarkaana degmada Hobyo deegaanno ku dhaw ay qabsadeen.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in amniga uu yahay mid sugan, islamarkaana howlahooda caadiga ah ee shaqo ay ka wadaan degmada Hobyo iyo deegaanno kale.

“Xaaladda degmada wey wanaagsan tahay Al-shabaab wax la yiraahdana halkaan kama jiraan, Isgaarsiinta cillad baa jirtay hadane wey xalliyeen, degmada Hobyo waxaa ka socda barnaamijyo muhiim ah oo iskaa wax u qabso ah, marka ma jiraan wararkaan leh Shabaab baa tagey degmada Hobyo ama meel u dhaw” ayuu yiri Guddomiyaha degmada Hobyo.

Marar badan waxaa soo noqnoqday in hawada ay ka baxdo isgaarsiinta deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug, taasi oo dad badan shaki ku beertay.

Goobjoog News