U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Deegaano Ka Mid Ah Gobalada Gedo Iyo Bakool Oo Maalmo Badan Ka Dib Hawada Ugu Soo Laabatay

Sheeko:Dalka

Waxaa dib Hawada maanta ugu soo Laabtay Isgaarsiinta Deegaano badan oo ka mid ah gobalada Bakool iyo Gedo ka dib markii Al-shabaab ay xireen.

Dadka ku dhaqan deegaanadaan ayaa maalmo ku dhaw 20 waxa ay ahaayeen Isgaarsiin la’aan taasi oo keentay in xaalado badan ay la kulmaan oo dhanka Isgaarsiinta uga xirnaa.

Al-shabaab ayaa dib u fasaxday Isgaarsiintaasi, laakiinse illaa iyo xilligaan si cad looma sheegin sababta ay markii hore u xireen.

Degmada Baardheere ayaa ka mid ah meelaha Hawada laga saaray Isgaarsiinta, waxaana hadda dhamaan deegaanadaasi ay yihiin Isgaarsiintooda kuwo caadi ah.

Goobjoog News