U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Gobollada Jubbooyinka Oo Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii Shanaad hawada ka maqan Isgaarsiinta gobollada Jubooyinka, kadib markii la sheegay iney damiyeen Xarakada Al-shabaab.

Magaalada Kismaayo ayaa kamid ahayd meelihii ugu horreeyay ee Isgaarsiinta hawada laga saarey, hase ahaatee waxaa la sheegay in Hal cisho kadib ay suuragashay in Isgaarsiinta Kismaayo dib loo soo celiyo.

Wararka waxay tilmaamayaan in gobollada Jubooyinka ay isgaarsiinta ka shaqeyneyso oo kaliya magaalada Kismaayo, iyadoo taasi ay saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan deegaannada kale ee gobolladaasi.

Dadka ayaan adeegsaneyn dhammaan adeegyadii ay u isticmaali jireen Isgaarsiinta sida lacaga la isku xawilo iyo iska warqabka ehladooda.

Lama oga sababta ka dambeysa in Xarakada Al-shabaab ay hawada ka saaraan Isgaarsiintaan, waliba maalmo badan ay maqnaadaan.

Goobjoog News