U bood dhigaalka

Isgaarsiintii Xarardheere Oo Dib U Soo Laabatay

Sheeko:Dalka

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degmada Hobyo ku sugan waxaa maanta dib mar kale hawada ugu soo laabatay isgaarsiinta degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere iyo degaanno kale oo hoostaga degmooyinkaasi.

Isgaarsiinta ayaa muddo todobaad ah ka maqnayd Hobyo iyo Xarardheere taasoo saameyn ku yeelatay bulshada degaanka.

Arrimahani ayaa illaa hadda la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya waxaana ay dagaallo ka jireen degaanno hoostaga Xarardheere oo ay kamid yihiin Dumaaye iyo Dabagalo, kuwaasoo u dhaxeeyay Alshabaab iyo dad shacab ah.

Dadka degaanka waxay Goobjoog News u sheegeen in Xarakada Alshabaab ay damisay isgaarsiinta degaannadaasi Koonfureed ee gobolka Mudug.

“Hadda waa caadi oo isgaarsiintu waa shaqeyneysaa balse waxa weeye muddo todobaad ah baa isgaarsiintu naga maqnayd oo aan heli weynay meel aan ka wada xiriirno” ayuu yiri qof jooga magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxaa hadda caadi u shaqeynaya adeegga isgaarsiineed ee degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee gobolka Mudug.

Alshabaab ayaa mararka qaar amra in la damiyo isgaarsiinta degaannada ay ka maamusho Koonfurta iyo Bartamaha dalkani Soomaaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada