U bood dhigaalka

Ishii Ugu Horreysay Ee Electronic Ah Oo La Daahrogay

Caalim Mareykan ah ayaa si lama filaan ah uga bidhaan saday su’aal ay hooyadii weydiisay daahrog cusub oo dunida kacdoon ka sameyn doona, waxa uu hadda hal-tallaabo un u jiraa inuu sameeyo ishii ugu horreysay dunida ee electronic ah “bionic eye”.

Sida ay qortay jariidada “The Telegraph“,  Michael McAlpine oo ah caalim ka tirsan jaamacadda Minnesota, ayaa hoggaaminayay koox cilmi-baarayaal ah oo tijaabo layaab badan sameeyay, kadib markii ay horumariyeen il electronic ah oo qaar ka mid ah indho la’aan daawo u noqon kara.

Michael iyo kooxda waxey soo saareen qaabkii Koowaad ee Isha oo iftiinka 3D lagu arki karo, waxa uu yiri: “Inta badan indhaha electronic ah waxaa loo arkaa iney yihiin khiyaali, laakiin maanta aad baan ugu dhow nahay anagoo adeegsadanaeyna multi-material daabacaadda 3D ah si aan uga dhigno waaqac dhab ah.”

Professor McAlpine cilmi-baaristiisan waxa uu ka bidhaan saday hooyadii oo 68 jir ah oo mid kamid ah indheheeda ku weyday qalliin fashilmay oo lagu sameeyay 7 sano ka hor.

McAlpine oo lagu yaqaanno inuu teknoolojiyada u isticmaalo caafimaadka horeyna u horumariyay dhag electronic ah sanadkii 2013, ayaa mashruuciisa dhiirrigelin fiican u helay si uu u soo saaro ishii ugu horreysay ee elctronic ah, kadib markii ay hooyadii su’aal kaliya weydiisay “Goormaad ii daabici doontaa il electronic ah.”

Goobjoog News