U bood dhigaalka

Iskaashatada Kaluumeysatada Ee Muqadisho Oo Walaac Ka Keenay Heshiiska lala Galay Shiinaha

Sheeko:Dalka

Iskaashatada  Kaluumeysatada ee Muqadisho ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii dowladda Soomaliya ku bixisay shatiga Kaluumaysi ee shirkada Shiinaha laga leeyahay.

Dowladda Soomaaliya iyo shirkad  kaluumeysi oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa kala sixiixday heshiis dhanka kaluumeysiga ah heshiiska kaluumaysiga ayaa shirkada Shiinaha ruqsad u siinaya inay ka kaluumaystaan badaha Soomaaliya.

Heshiiskaa ayaa waxaa ka soo baxay durbaba walaac ay ka muujinayaan Kaluumaytada Soomaalida oo dhanka kaluumaysiga ah ayagoo tilmaamay inay awalba dhibaato ku qabay  maraakiibta shisheeye ee sida aan Sharciga aheen uga kaluumaysta xeebaha dalka ayadoo aysan jirin wax ogolaanshiya ah  oo ay ka heestaan DFS.

Xasan Maxamed Rooble ,  waa gudoomiyaha urur ay ku midaysan yohiin kaluumaysatada Soomaalida waxa uu lahadlay Goobjoog news waxa uu tilmaayaa in hadka kaluumaysatada ah in walaac badan ay ka muujinayaan heshiiska ay dowladu siisay shirkada shiinaha.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dalka badahiisa iyo hawadiisa masuuliyad ka saarantahay laakiin waxaan Kaluumeysato ahaan waxaan walwal ka muujinaynaa heeshiiskaan maadaama dadkaan noloshooda  ay ku tiirsantahay badda iyo kaluumaysiga iyo waxa ay ka soo saartaan baddaha Soomaaliya sidaas darteed annaga waxaan walwal aan ka qabnaa markabka hadii la siiyay rukhso uu ku kaluumeeysto waxa uu sameen karaa inuu soo dhaafo xadkii loogu talagalay, waxaan ognahay inaan qabin ciidamadii Bada inoo ilaalinayay qalab lagu waardiyeeyo ama lagu ogaan karo markiibta halka ay joogaan, taasina waa walaaca ugu badan aan ka muujinayno in markabku ka soo gudbo xadkii loogu talagalay Kaluumaysada mawaadiniinta ahna dhibaato uga timaado”

Rukhsada lasiiyay shirkada shiinaha ee FOCA oo leh 31 Markab oo si xor ah uga kaluumaysanaya badaha Soomaaliya waxaana rukhsadan ku  kacaya lacag dhan 1 milyon oo doolar Mareykanka, waxaan heshiiskaan sixiixay Wasaarada Kaluumaysiga iyo kheyraadka badda xukuumada federaalka ee Soomaaliya  dowladda ayaana sheegtay in lacagtaan ay si toos ah ugu dhicidoonta bankiga dhexe  ee Soomaaliya   mana jiri doonaan in lacagtaad la isticmaalo ilaa la isaga afgaranaayo qeybsiga kheyraadka dalka uu leeyahay

Wasaarada kheyraadka bada ayaa sheegtay in Kaluumaysada shirkada FOCA ay la bixidoonaan  Kaluunka nuuca TONAHA  loo yaqaano  hadana waxaa taagan cabsida ay qabaan Kaluumaysatada Soomaalida sida mar kale uu sharaxayo  Xasan Maxamed Rooble

“Taas waa ay jirtaa waxaa jira dooni bada lagu waayay mudo kadib doonidii kaliya lahelay dadkiina lawaayay oo dhaawacyo ku yaalan xabado taasna waxaan u aanayneeynaa maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumaysata badahaha Soomaaliya,  waxaa jira dad badan oo ilaa hada badda lagu la,yahay maladilay  ma is kood ayeey ulumeen lama ganaayo labo bil ka hor waxaa lumay doon ay sedex nin oo dhalin yaraa ay saran yihiin dhaawac midkood  sanadkaan bilaawgiisa waxaa lumay  labo doon oo lix nin oo dhalinyara ay saran yihiin inkastoo sedex kamida laga helay siirilanka kuwii kala laga sheegay jaziiradahaan shiisalis lakiin macadam”

Goobjoog News