U bood dhigaalka

Isku Aadka Tartanka Xulalka Da’yarta Oo Lasoo Saaray,Soomaaliya Halkee Ku Jurtaa

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ayaa soo saaray isku aadka tartanka xulalka da’yarta 15-jirada ee isla bishan August ku qabsoomaya wadanka Eritria.

11-wadan ayaa tartanka dhallinyarada 15-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika ka qeybgalaya,iyadoo loo kala qeebiyay ilaa saddex Group oo kala ah A,B,C.

Xulka 15-jirada dalkeena Soomaaliya ayaa ku jira Group A waxaana ku wehliya wadamada Eritrea,Burundi iyo Kenya,iyadoo ciyaarta furitaanka ay wada ciyaaridoonaan xulalka 15-jirada wadankeena Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya.

Wadanka Eritrea ayaa sanadii 2010 marti geliyay tartanka Challen Cup ee 20-jirada kaas oo ahaa tartan ku cusubaa Africa waxaana maalgelintiisa lahaa “Fifa Forward Programme”,iyadoo da’da 15-jirada uu yahay markii uu horeesay oo la qabto wadamada bariga iyo bartamaha Africa ee Cacefa.

Halkan Ka Aqriso Isku Aadka Xulalka 15-jiarada

GROUP A
Kenya
Eritrea
Burundi
Somalia

GROUP B
Uganda
Rwanda
Ethiopia
Sudan

GROUP C
Tanzania
SUDAN
Djibouti

“Waan ku kalsoonahay awooda ciyaartooydeena waxaana ku rajo weynahay in aan guulo wax waaweyn kasoo hooyno tartanka xulalka 15-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika 2019” waxaa sidaa Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiayaha dhallinyarada Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya Cabdullahi xirse Maxamuud.

Soomaaliya ayaa sanadii 2018 gaartay markii ugu horeesay fiinalaha tartanka 17jirada ee ka dhacay dalka Burundi,iyadoo iminkana dhallinyarada 15jirada laga sugayo in ay la yimaadaan natiijooyin aad u wanaagsan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle