U bood dhigaalka

Isku Day Afgambi Oo Ka Socda Khartoum Sudan!

Sheeko:Amniga

Isku day afgambi oo ka dhacay “Khartoum” ayaa “fashilmay” subaxnimadii hore ee Talaadada, TV-ga dowladda Suudaan ayaa sidaa baahiyay, iyadoo dadka ugu baaqday inay iska celiyaan kuwa wada Afgambiga.

“Waxaa dhacay isku day afgambi oo dhicisoobay, dadku waa inay ka hortagaan,” ayaa laga sii daayay TV qaranka

Xubin ka tirsan golaha talada dalka ayaa u sheegay wakaaladd Reuters in xaaladda la xakameeyay.

Xaaladda guud ee dalka waxaa goordhow war kasoo saari dona, afhayeenka dawladda Maxamed Al Faki Suleymaan.

Mr. Suleymaan ayaa mar sii horreysay ka codsaday dhammaan dadka reer Suudaan inay difaacaan dalka. Faallo uu ku qoray Facebook, ayuu ku yiri, “Orod si aad u difaacdo dalkaaga oo aad u ilaaliso kala -guurka.”

ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in afgambigu uu qeyb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagula wareego idaacadda dawladda ee Omdurman, oo kutaala caasimadda Khartoum.

Sida xogaha horudhaca ah aya tilmaamayaan laba guuto ka tirsan kuwa taangiyada milteyga sudaan aya wada isku dayga iyago gadiidka gashaaman gudaha usoo galiyay caasimadda.

Goobjoog News