U bood dhigaalka

Isku Gudubka Waddooyinka Makka Al-mukarrama Ee Muqdisho Oo Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kala xiray isku gudubka waddooyinka Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho taas oo muhiim u ahayd isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Shalay barqadii ayaa la furay waddooyinkaan oo xirnaa maalmihii ugu dambeeyay, hase ahaatee hadane galabtii shalay (Jimco) ayaa la xiray kadib qaraxyo magaalada ka dhacay.

Waxaa la arkayaa gaadiidka dadweynaha oo dadka ku daadinaya isgoysyada ay wadaagaan Labadan waddo, si ay dadku usoo lugeeyaan.

Kaliya gaadiidka dadweynaha waxaa ka xiran iney Labadan waddo ka kala gudbaan, balse dhanka walbo wey ku dhex shaqeysan karaan.

Dadka Muqdisho ayaa hadda u muuqda kuwo la qabsaday waddooyinkan xiran, iyadoo horey loo xirey jidcadayaashii isku xirayey Makka Al-mukarrama iyo Wadnaha.

Goobjoog News