U bood dhigaalka

Isku Socodka Dadweynaha Iyo Gaadiidka Ee B/weyne Oo Dib u Bilowday

Sheeko:Dalka

Labo Todobaad kadib waxaa dib u bilowday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada B/weyne, kadib xurguf soo kala dhexgashay beello wada deggan magaaladaasi.

Guddoomiyaha magaalada B/weyne, Maxamed Cismaan Qallaafow ayaa Goobjoog News u sheegay in la xalliyey xiisaddii sababtay in magaalada aan la isku socon.

Wuxuu sheegay in ay soo daayeen dad afduub ahaan loo haystay iyo sidoo kale Geel la sheegay in la dhacay oo dib ugu celiyeen dadkii lahaa.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in weli ay dhiman yihiin iney dib u celiyaan gaadiid ay Labada beel kala haysato, xaaladuna hadda ay tahay mid deggan.

“Xaaladda wey deggan tahay, isku socodkii dadka B/weyne oo muddo kala xanibnaa hadda wey soo laabatay, arrimahaas shalay ayaan soo afjarnay, waxaa inoo haray inaan soo qaadno gaadiid la kala haysto” ayuu yiri guddoomiyaha.

Shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne ayaa aad uga baqayey iney aad u saameyso xiisadda ka jirta magaaladaasi, iyadoo weli aanu jirin heshiis rasmi ah oo Labada dhinac la kala dhex dhigay.

Goobjoog News