U bood dhigaalka

Isku Socodka Gaadiidka Dadweynaha Ee Muqdisho Oo Dib La Isugu Furay

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib isugu furtay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo maalmahan dambe u xirnaa arrimo amniga la xiriira.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo joogay muddooyinkaanba isgoysyada Muqdisho ayaa hadda waxaa lagu bedalay ciidamada Booliiska oo baaraya gaadiidka dadweynaha.

Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin isbedalkaan la sameeyey, sababtuna waxay ku sheegeen in hadda magaalada oo dhan si isku mid ah uga shaqeysan karaan.

Waxaa la arkayaa meelaha qaar oo aysan ciidamo wax baara ku sugneen, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay isbedalladan.

Qofka ku sugan wadada wadnaha watana gaari ayaa waxaa ku adkeyd inuu soo aado dhanka Makka Al-mukarrama.

February 8, 2017 wixii ka dambeeyey dowladda federaalka ayaa xirtay waddooyin badan oo Muqdisho, waxayna dhagxaan ku jartay dowladda jidcadayaal dhowr ah.

Goobjoog News