U bood dhigaalka

Isku Soo Bax Roob Doon Ah Oo Maanta Ka Dhacaya Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guud ahaan degmada Jowhar uu ka dhacdo isku soo bax roob doon ah, waxaana ka qeybgali doona culimada iyo qeybaha kala duwan bulshada ee degmadaasi.

Culimada ayaa ku baaqay in maanta la isku soo baxo si uu Allah roob u keeno, maama dalka oo dhan ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Waxaa xiran maanta dhammaan xarumaha waxbarashada ee degmada Jowhar, waxayna dadka isugu soo bixi doonaan fagaare ku yaalla magaalada Jowhar.

Macalin Yacquub Macalin Colaad oo ka mid ah culimada qabanqaabineysa isku soo baxan ayaa u sheegay Goobjoog News, in markii Labaad uu noqonayo isku soo baxan, maadaama weli deegaannada gobolka Shabellaha Dhexe aanu roob badan ka da’in.

Dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, waxayna dadka oo idil Allaha ka baryayaan inuu ka dulqaado abaarta, keenana roob.

Goobjoog News