U bood dhigaalka

Isku Tashi: Sidee Loo Badbaadiyay Doontii Ku Soo Caarisay Boosaaso?

Sheeko:Dalka

Shacabka Boosaaso ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan dooni ku soo caarisay xeebta magaalada, sida loo badbaadiyay doontan, waa sheeko xiiso badan oo ku tusineysa iskaashi, midnimo, dadnimo iyo marka dib loo xusuusto”Ha noolaato”, lagana maarmo gacan shisheeye.

Guddoomiyaha guddiga bad-baadinta, Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa Goobjoog News uga warramaya sida loogu guuleystay howshaas.

Sheekh Fu’aad waxaa uu sheegayaa in ay doonta dhibaato soo gaartay 5-tii bishan, wixii xilligaasi ka dambeeyeyna lagu mashquulsanaa badbaadinta, howsha oo 9 maalin qaadatay waxaa galay qarash, waqti iyo maskax.

Doonidu waxaa ay ku hallawday meel 1 KM u jirta dekadda Boosaaso, sidaasi darteed waxaa loo baahday in halkaasi laga dhiso dekad macmil ah.

Si dekadda macmilka ah loo dhiso, waxaa la weeciyay qalab lagu dhisayey waddo 225 KM ah oo u dhaxeysa (Ceeldaari iyo Ceeri-gaabo), waxaa kale oo ganacsatada gobolku keeneen 20 gaari oo waaweyn, 7 cagaf, 6 Injineer oo isugu jira qaar birta ah iyo kuwa kale oo ciidda ah.

Doontan oo siddey hanti lagu qiyaasay 8 Milyan oo Doollar, waxaa laga lahaa dalka Hindiya, waxaa saaran 1850 tan, oo ay ku jiraan 57 gaari.

Sheekh Fu’aad Maxamud Xaaji Nuur, waxaa uu Goobjoog News u sheegay in gabdhahu ay qaybinayeen raashiin iyo cabitaan aan kala go’ laheyn, dhallinyaraduna shaqada gacanta, xagga dowladda ay xoogga saartay amniga, isaga oo intaasi raaciyay in ugu dambeyntii la arkay “dekad doon ku xiratay halkii la arki jiray dooni dekad ku soo xirata”!

Dekaddan cusub ee macmilka ah, waxaa la geeyay nalal, waxaa hadda kadib ku soo xiran kara doomaha kalluunka, meel dalxiisna waa loo isticmaali karaa.

Mar uu Sheekh Fu’aad Maxamud Xaaji Nuur ka hadlayey casharrada laga bartay, waxaa uu sheegay in laga bartay in aan wax laga sugin Shiinees iyo shirkado ajnabi, oo Soomaalida isku tashan karto, oo keliya midnimo loo baahan yahay.

Goobjoog News