U bood dhigaalka

Iskushaandheyn Lagu Sameeyay Taliska Booliska Gobalada Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta iskushaandheyn ku sameeyay taliyashaasha booliska gobalada Puntland, kuwaas oo mudooyinkii dambe falal amni darro ah ay ka dhaceen laguna dhilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka.

Qoraal ahaa xeer madaxweyne oo ka soo baxay Madaweyne Deni ayaa taliyihii booliska  gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire loogu belelay gobolka Mudug, halka talihii booliska gobolka Mudug ee Puntland  G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir lagu soo celiyey gobolka Nugaal.

Xeerka maanta lagu badalay taliyihii booliiska gobolka Nugaal ayaa ku soo aaday maalmo ka dib markii Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka qarax ismiidaamin lagu dilay guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo Taliye la socday, madaxweynaha ayaana xusay in isbedelkaan looga golleeyahay der-dar gelinta aminga gobolada Puntland.

 

                                                              Halkaan Ka Akhriso 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.
  2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
  3. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani maanta ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntlnad oo isbedelka loogu sameeyey taliyayaashii booliiska Puntland ayaa wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Iskshaandheynta  lagu sameeyey taliyaashaa booliska Puntland ayaa waxaa ay i maanayaan iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey xaalada amni ee Puntland ay sii xumanaysay waxaana ka dhacay falal amniga ka soo horjeeda dilal ay la kulmaan mas’uuliyiin iyo ciidamo maamulka ay ka dhacaan.

Goobjoog News