U bood dhigaalka

Iskuulka Dhagoolayaasha Mustaqbal Ee Baydhabo Oo Codsanaya Gargaar Qalabka Ardayda Wax Lagu Baro

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bakool ayaa laga furay Iskuul ay wax ku bartaan dadka naafada ka ah maqalka.

Dadkani wax ku barta Iskuulka waxa ay isugu jiraan dad waaweyn iyo kuwo yaryar, waxaana la baraa maadooyinka sida Carabiga, English-ka, Xisaabta iyo Soomaaliga waxa uuna ka kooban yahay afar fasal.

Tirada ardeyda dhigata Iskuulkani ayaa waxa ay gaarayaan ku dhawaad 70 arday waxaana wax u dhiga Hal macallin oo kaliya sida uu Goobjoog News uu u sheegay Amiin Nuur Saciid oo ah maamulaha Iskuulkani oo lagu magacaabo Mustaqbal waxa uuna yiri:

“Iskuulkani waxaa aas-aasay dad samafalayaal ah oo qarashkooda u hibeeyay bulshada, gaar ahaan kuwa qabo baahiyaha gaarka ah, ardada dhigata Iskuulka waa kuwo ka soo jeeda qoysas dan yar ah, ilaa iyo hadda wax hay’ad ah ama dowlad ah toona nama soo eegin, waxaan codsaneynaa in ay noo yimaadaan hay’adaha si loo taageero dadkani naafada ah”.

Waxaa jira baaqyo gaar ah oo ay isku gartaan ardeyda iyo macallinkooda, waxa ayna fasalka dhexdiisa ku sameeyaan wada sheekeysi .

Ardayda ma jirto wax lacago ah oo laga qaado bisha maadaama ay ka soo jeedaan qoysas danyar ah, iyada oo taasi jirto hadana Iskuulku ma haysto qalab fududeeya habka ardayda maqalka naafada ka ah wax loogu baro.

Goobjoog News