U bood dhigaalka

Iskuullada Caabud-Waaq Oo Albaabada Loo Furay Kadib Dhowr Maalin Oo Ay Xirnaayeen

Sheeko:Dalka

Ardeyda ku nool  degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta u darereen goobohooda waxbarasho kadib mudo sadex maalin ah oo ay guri Joog ka ahaayeen, arrintaas oo timid kadib fal dil ah oo dagmadaasi loogu geystay mid kamida barayasha ku Noolaa dagmadaasi

Axmed Jaamac C/lle Gudoomiyaha gugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare ee Shire Jaamac ee degmada Caabudwaaq oo  la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta ay ku ekeed Mudo Sadex maalina Oo ay horey u go’aansadeen Bahda Waxbarashada ku nool Caabud Waaq in hakad Lagaliyo Waxbarashada, si loo moojiyo  darenka ay uga xunyihiin bahda waxbarashada ee Caabudwaaq ku nool falka dilka ah ee lagula kacay bare kamida barayasha Degmada.

Waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay In si caadiya uu jawiga waxbarashada ku soo laabtay hada islamarkaana ardeyda maanrta wixii ka danbeya u wadan doonaan waxbarashada sidoodi hore , isagoo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri ,,

“Waxaa dib loo furay dhamaan goobihii wax barashada ka dib markii muddo saddex beri  ay ku jireen bahada waxbarashada Degmada Caabudwaaq iyagoo muujainaayey sida ay uga xunyihiin geeridii ku timid mid ka mida barayaasha “

28bishii October ayaa waxaa ruux madaxa looga jiro waxa uu bartamaha dagmada caabudwaaq ku dilay macalin lagu magacaabi jiray qadar maxamed kaas oo wax ka dhigayay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee IQRA oo kamida dugsiyada waaweyn eek u yaala dagmadasi waxaana dhacdadaasi kadib mudaharaad iyo hakin waxbarasho ku dhaqaaqay bahda waxbarashada ee ku nool dagmadaasi