U bood dhigaalka

Ismaaciil Hurre: Dowladda ha ka hadasho go'aanka Kenya ka gaartay qaxootiga soomaalida

Sheeko:War
Ismaaciil Hurre Buubaa
Ismaaciil Hurre Buubaa

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ururka Midowga Afrika iyo IGAD u gudbiso hadal ka soo baxay dowladda Kenya.

Isaga oo waraysi gaar ah siiyay Goobjoog FM ayuu nasiib darro ku tilmaamay hadal ka soo baxay dowladda Kenya oo ahaa in arimaha dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee jooga dalkaasi ay kala hadli doonto maamulka KMG ah ee Jubba.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu sheegay in xad gudub uu yahay warka ka soo baxay  Kenya oo uu xusay in horay ay gef ugu samaysay Soomaaliya markii ay qunsul gaar ah u soo magacowday maamulka KMG Jubba.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka baaqatay dhowr shir oo ay Kenya ku casuuntay si looga hadlo arrimaha la xiriira dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool gudaha Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hore qunsul ugu dirtay xarunta maamulka KMG Jubba ee Kismaayo, iyadoo aanay arintaasi la socodsiin  dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga qunsulka ay Kenya u dirsatay magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku sugan deegaano hoos yimaada  maamulka KMG  ee Jubba.