U bood dhigaalka

Ismaaciil Hurre: Waxaa haboonayd in shirkii shalay ay ka qeyb gasho dowladda keliya

Sheeko:War
Ismaaciil Hurre Buubaa
Ismaaciil Hurre Buubaa

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda  Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in siyaasadda lagu hogaaminayo dalka ay ka muuqanayso is bar bar yaac xili shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay shir looga hadlay taageerida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  suurta galnimada in la qabto doorashooyin  sannadka 2016-ka.

Mudane Buubaa ayaa carrabka ku dhuftay  in ka qayb galka  shirkaasi  ay ahayd in ay dowladda Federaalka ay isku koobto, hase yeeshee la arkayay maamulada qaarkood oo madasha fadhiyay, taasina  ay muujinayso in aanay hagaagsanayn siyaasadda lagu hogaaminayo dalka Soomaaliya.

Waxa uu soo dhoweeyay Hurre Buubaa in dalka lagu qabto shir ay ka qayb galeen xubno ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaan shalay ka qayb gelin kulankii ka dhacay xerada  Xalane,kaasoo dhex maray  xubnihii ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo madaxda ugu saraysa dalka.