U bood dhigaalka

Diyeeshe “Waan Ku Faraxsanahay In Aan Noqdo Wakiil”

Sheeko:Cayaaraha

Laacibkii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Cumar, ayaa loo diiwaan geliyey inuu ka moid noqday wakiilada rasmi ah ee caalamka,isagoo kala iibin kara laacibiinta kubbadda cagta.

“Waan ku faraxsanahay howshan iminka waa wajiga kowaad,waxaan diida saaridoonaan wejiyada kale ee xirfadan waxaan u mahad celinaynaa saaxiibadayda iyo bahada kubbadda ee soo dhawaysay howshan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay wakiil Ismaaciil Maxamed Cumar.

Xidigihii hore kooxda Elman Maxamed Nuur Shaarkey ayaa u hambaleeyay wakiil Diyeeshe wuxuuna kula dardaarmay in uu si wanaagsan ugu soo baxo arintan oo muhiim ah bahda ciyaaraha.

Saaxiibo badan ayaa u soo hambalyeeyay Wakiil Ismaaciil,iyagoo guul iyo horomar wanaagsan ugu rajeeyay howshan cusub,balse mudane Ismaaciil Diyeeshe ayaa isna u mahad celiyay saaxiibadiisa.

Si kastaba Diyaashe waxa uu ka qeyb qaatay guulaha Xulka Qaranka sanadihii lasoo dhaafay,isagoo door wanaagsan kulahaa soo aruurinta iyo isku xirka ciyaarahanadii u dheelay Soomaaliya kuwaas oo kala yimid wadamada Yurub iyi waqooyiga Ameerika.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Ismaaciil Diyeeshe