U bood dhigaalka

Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Oo Markii Ugu Horreysay Sameystay Ciidamo Kumaandoos Ah

Sheeko:Amniga

Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ebed sameystay ciidamo si gaar ah u tababaran (Kumaandoos) kuwaasi oo dhulka Soomaalida ka howlgeli doona.

In ka badan 200 oo askari ayaa tababar loogu soo xiray magaalada Jigjiga ee xarunta maamulkan, waxaana ay yihiin ciidamo si gaar ah u difaaca xuduudaha maamulkaasi.

Isbedallo badan ayaa ku socda hannaanka ciidanka iyo sidoo kale dhismaha maamulka ee Soomaalida Itoobiya, wixii ka dambeeyey xil la wareegistii Mustafe Cag-jar.

Saraakiil ka tirsan ciidanka DDSI ayaa sheegay in ciidamadan ay shaqeyn doonaan xilliyda xaaladaha degdegga ah, sidoo kalena difaaci doonaan cadowga maamulkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dagaallo dhex-maray qaar ka mid ah qomiyadaha ku nool Itoobiya iyo Soomaalida.

Goobjoog News