U bood dhigaalka

Israa’il oo Duqeysay Gaza Iyo Xamaas Oo Ka Jawaabtay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Israa’il ayaa sheegaya in ay duqeeyeen magaalada Gaza, gaar ahaan, meelo gaar ah oo ay leeyihiin dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Xasmaas, waxaana ku jira god dhulka hoostiisa ah.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in Israa’il sidoo kale ay duqeysay Khaan Yoonis iyo meelo hub ku keydsato xarakada Xamaas.

Kooxda Al-qasaam, oo ah garabka hubeysan ee Xamaas ayaa dhankooda sheegay in ay isticmaaleen lidka diyaaradaha si ay isaga caabiyaan weerarka Isra’il.

Israa’il ayaa duqeyntan uga jawaabeysay weerar ay Xamaas ku qaaday gudaha Isra’il kaas oo ay ku dhaawacmneen 4 ka tirsan ciidamada Isra’il.

Gaza waxaa ay ka dhacay 3 dagaal tan iyo 2008, dagaaladaasi oo dhex-maray Isra’il iyo  Xamaas waxaa ugu dambeeyay midkii 2014-kii, Xiriirka Isra’il iyo Xamaas ayaa sii xumaaday kadib markii Trump madaxweynaha Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday caasimadda isra’il.

Goobjoog News