U bood dhigaalka

Israsaaseyn Ka Dhacday Agagaarka Airportiga Cadaado

Sheeko:Dalka

Israsaaseyn ayaa goordhaw ka dhacday bar Control oo ku taalla garoonka diyaaradaha Cadaado ee Galgaduud.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in koox hubeysan ay soo weerareen bar Control oo ku dhaw Airportiga Cadaado iyagoo ujeedadoodu aheyd in ay garoonka weeraraan.

Maleeshiyaadka deegaanka ayaa weeraray barta Control iyadoo sidoo kale  saaka  diyaarad lagu xabadeeyay isla garoonkaas.

Saaka waxaa la xabadeeyay diyaarad ka degi laheyd garoonka Cadaado iyadoo la sheegayo in markii dambe ay ku degtay Caabudwaaq.

Wixii warar oo arrintas ku saabsan, Kala Soco, Goobjoog News