U bood dhigaalka

Israsaaseyn Ka Dhalatay Isbaaro Qaadis Ay Ciidanka AMISOM Ka Wadeen B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday Israsaaseyn u dhaxeysay ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Maleeshiyaad la sheegay in Isbaaro ay u taallay magaaladaasi.

Ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku baxay dhowr isbaaro oo Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ay dhigteen xaafadaha magaaladaasi, kuwaasi oo lacago looga qaadayey gaadiidka dadweynaha.

Maleeshiyaadkii Isbaarada u taallay qaarkood ayaa rasaas kala horyimid ciidanka AMISOM, lamana oga illaa hadda khasaaraha halkaasi ka dhashay, inkastoo weli ciidankaan ay howlgallada wadaan.

Maamulka magaalada Baladweyne ayaa goor dhaw la filayaa in saxaafadda ay la hadlaan si faah faahin uga bixiyaan isbaarooyinkan iyo israsaaseynta dhacday.

Maalmihii ugu dambeeyay Maleeshiyaad saami qeybsi canshuureed ka waayey maamulka degmada B/weyne ayaa iyaguna dhankooda isbaarooyin u gaar ah dhigtay xaafadaha magaaladaasi ka kooban tahay, waxayna lacago ka qaadayeen gaadiidka dadweynaha, iyadoo darwaladii gaadiidkaasi ay cabasho xooggan ka muujiyeen arrintaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News