U bood dhigaalka

Isreal: Dad Mindi Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Booliiska dowladda Isreal ayaa xaqiijiyay in afar qof la dilay, kuwa kalena la dhaawaacay kadib markii nin mindi ku hubaysan uu weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Bi’ir Sabca.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay goob laga dukaamaysto oo ku taalla bartamaha magaalada Bi’ir Sabca ee Isreal.

Ninka dilka geestay ayaa la sheegay in uu ahaa Carab Isreali, waxaana, sida ay booliiska sheegeen kadib markii la helay muuqaalo muujinaya ninkaan oo gaysanaya dilka.

Waa dhacdadii saddexaad ee weerar midi loo adeegsanayo ee ka dhaca Israel tan iyo maalintii Sabtidii todobaadkaan.

Muddooyinkii la soo dhaafay Isreal ayaa waxaa isasoo tarayay weerarada nuucaan ee loo adeegsado midida iyo hubka fudud.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay ururka difaaca falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in weerarkaan uu ahaa mid ay uga jawaabayaan gabood falada ay Yahuudda ka wadaan dhulka barakaysan.

Howlkaan waxaan uga jawaabaynaa qorshaha ay Isreal ku beegsaneyso dadkeenna falastiin” ayuu yiri Hazem Qassem oo u hadlay Xamaas.

Goobjoog News