U bood dhigaalka

Isreal Oo Masar U dhoofinaysa Gaas

Sheeko:Caalamka

Shirkadda waddanka Israel laga leeyahay ee Delek Drilling ayaa ku dhawaaqday in ay waddanka Masar u dhoofin doonto $15 bilyan oo u dhiganta gaaska dabiiciga ah. Heshiiskan ballaaran ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee gaas ee ay Israel gasho.

Shirkadda Masar laga leeyahay ee Dolphinus ayaa shirkadda Delek—iyo  shirkadda iskaashigu kala dhexeeyo ee Maraykanka laga leeyahay ee lagu magcaabo Noble—ka iibsan doonta 64 bilyan kiyuubik mitir oo gaas ah, heshiiskanina waxa uu socon doonaa muddo toban sanno ah sida lagu xusay bayaan Isniintii soo baxay.

Raysalwasaaraha Israel mudane Netanyahu ayaa dhankiisa soo dhaweeyey heshiiskan waxa uuna ku tilmaamay mid “taariikhi ah”. “[Heshiiskan] waxa uu waddanka soo gelinayaa lacag balaayiin ah” ayaa uu yiri Netanyahu. Waxa kale oo uu xusay in heshiskani uu isu soo dhawayn doono labada waddan, bilawna u yahay xiriir wanaagsan oo gobolka dhexmara.

Sannadkii 2005 ayay ahayd markii Masar iyo Israel ay kala saxeexdeen heshiis 20 sanno soconaya oo ay Masar gaaska ugu dhoofinaysey Israel. Heshiiskaasi waxa uu burburay sannadkii 2012 ka dib markii tuunbadii qaadaysey la weeraray dhowr jeer, dadka reer Masarna ay Israel ku eedeeyeen inaanay gaaska ku gadan lacagtii loogu talagalay.

Waddanka Israel ayaa sannadadii 2009 & 2010 helay goobo uu ku jiro gaas, dabadeed waxa ay Israel sheegtay inay qorshaynayso dhoofinta gaaskan.

Waddamada Masar iyo Israel waxa taariikh ahaan ka dhexayn jirtey cadaawad xoog leh, waxana dhex maray dagaallo fool ka fool ah. Sababta cadaawaddan keentay ayaa ahayd xaqiiqada ah in Israel ay xoog ku qabsatay dhulka Falastiiniyiinta iyo weliba magaalada barakaysan ee Qudus.

Sannadkii 1979-kii ayaa ay labada waddan kala saxeexdeen heshiis nabadeed. Masarna waxa ay sidaas ku noqotay waddankii ugu horreeyey ee Carbeed ee heshiis nabadeed la saxiixda Israel.

Goobjoog News