U bood dhigaalka

Isticmaalka Kaamirooyinka Sirta Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

CCTV waxaa laga soo gabiyay Closed-circuit television (CCTV)  video ga sirta, sanadka markii uu ahaa 1942 shirkada Siemens  ayaa soo saartay waxaana lagu isticmaalay xarunta cirbixiyeenka dalka jarmalka.

7-sano kadib xilliga 1949 ayeey soo gaartay aaladan dalka Marekanka waxaana loo isticmaalay magalada New York City  iyadoo ay isticmalayeen ciimada amaanka kuwa loo yaqaanay NYPPD waxaana Mareykanka uu isticmaalaa 30.000 oo CCTV camera ah.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe waxaa laga billaabay isticmaalka camerada CCTV waxaana goobaha qaar sida xarumaha ganacsiga .Bangiyada, Suuqyada, Garoomada, Hotellada qaar lagu xiraa CCTV si loola socda dhaqdhaqaaqa meelahan aan soo shegaynay.

Magaalooyinka dalka ayaa ganacsi ahaan loo geeyaa waxaana magaalada Muqdisho hadda jira shirkado ka shaqeeya iibinta iyo  xirxirista CCTV camera.

Cabdifitaax waxaa uu ka mid yahay dadka ka ganacsada kaamirooyinka waxa uu ka sheekeynayaa isticmaalka CCTV sida dadka ay u gataan iyo waliba waddamada ay ka keenaan .

Waxa uu sheegay in hadda dadku ay aad u fahmeen CCTV islamarkaana xarun walbo oo la furayo ay iibsato qalabkaasi oo muhiimad gaar ah u leh.

Sidoo kale marka magalada tagto hoteellada, carwoyinka, xarumaha dawladda, waxaa ku xiran CCTV waxaana qaar ka mid ah meelahaas aan tagay dadkii joogay ay ii sheegeen inay sababta ay u xirteen ay tahay si ay uga taxaddaraan waxyaabaha ka dhici kara goobahooda.

Waxaa loogu talagalay CCTV in lagu ogaado faldambiyeedyada dhaca iyo sidoo kale in looga hortago tuugada iyadoo laamaha ammaankana ay adeegsadaan.

Waxaa kale oo ka mid ah faa’iidooyinka CCTV in hadda dunida meela ka mid ah loo isticmaalo tareenada waddooyinka si waxyaabaha shilalka oo kale loola socdo  sida Ingiriiska 3,000 kaliya loo isticmaalo jidadka .

Qarnigan 21-aad ayaa waxa sidoo kale lagu basaasaa warshadaha sameysa kiimikada sida hubka Nuclear  ee qatarta ku ah nolosha dadka.

Isticmaalka cctv camera ayaa dad badan u arkaan inay muhiim tahay la socodka dhaqdhaqaaqa meelaha muhiimka ah si qaladka dhaca marwalba looga baqsado.

W/D:- C/wahaab Maxamed Ibraahim

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News