U bood dhigaalka

Isticmaalka Mobillada Oo Meesha Ka Saari Doona Comuputerrada

Waxaa la sheegaa in sanadka soo socda uu kor u kici doono isticmaalka Mobillada, isla markaana uu geli doono booskii Computerada.

Xilgan la joogo, dadka waxaa ay xoogga saaraan Mobillada sida in ay isku diraan fariimaha, ka galaan Internet-ka, Mobilka waxaa uu noqday mid ay ku tiirsan yihiin dadka badan oo caalamka ah.

Khubaro dhanka warfaafinta ah ayaa waxay shegayaan in  75 boqolkiiba isticmaala aaladda internetka loo isticmaalo teleefoonada gacanta lagu qaato ay kordhi doonaan sanadka 2017  taas oo hadda wax  yar ka badan i yadoo tirada sii kordhaysa oo macaamiisha ku nool dunida ee ay heli karaan Internet-ka ee mara telefoonka smart iyo Computerada.

Wakaaladda lagu  magacaabo “Aynnnu” Media Marketing oo ka shaqeysa dhanka suuq geynta warfaafinta ayaa  waxay horey u saadaalisay in boqlkiiba 71% internetka laga isticamaali mobillada waaweyn oo casriga .

Wakaaladdan “aynnnu” Media Marketing ayaa warbixin ay soo saartay oo labaahiyey waxay sheegtay 60%   xayisiinta lagu sameeyo internetka loo isticmaalo qalabka Mowbillada, iyadoo  xustay in xayesiinkaan lagu bixinaayo Mobillada oo gaari doono sanadka 2018  134 Bilyan.