U bood dhigaalka

Isticmaalka Telefoonnada Casriga Ah Oo Halis Ku Ah Caafimaadka Qofka

Sheeko:Caafimaadka

Uma baahnid Saaxiibo marka Telefoonkaaga gacanta aad ka isticmaaleyso Internet-ka .

Qofka Isticmaalaya Internet-ka dhagihiisa ma maqlaan wax aan aheyn fariinta soo dhaceysa iyo qofka uu kula sheekeysanayo telefonkiisa gacanta, waxaa dhacda in inta badan qofka uu sugi waayo jawaabaha fariimaha uu diray .

Labada qof xitaa ma helayaan fursad ay kuwada sheekeystaan qof walba waxaa uu ku mashquulayaa telefoonkiisa isga oo si gaara ula sheekeysanayo qof ka fog oo uu xiiseynayo oo laga yaabo in ay kala joogaan labo dalk oo kala fog.

Waqtiyada ugu badan oo dhallinyarada ay isticmaalaan Internet-ka ayaa ah habeenkii in kastoo aysan maalinkii ka marneyn waxayna arrintaasi keentaa sida ay dhaqaatiirtu ay sheegayaan xanuun dhanka Indhaha ah maadaama aysan jirin wax difaac u ah Indhaha.

Cabdullahi Yuusuf waxaa uu istcimaalaa Internet-ka waxaa uu Goobjoog News uu u sheegay in uu kala kulmay xanuun dhanka Indhaha ah waxaa uuna yiri “Markii hore waxaan Isticmaali jiray 2 saac oo xiriir ah, balse hadda ma awoodo in aan isticmaalo 30 daqiiqo aniga oo aan wadan Ookiyaalo”.

Qadro Aweys Daahir waxaa ay ka mid tahay dhallinyarada Isticmaala Internet-ka waxaa ay ka hadleysaa faa’idada uu leeyahay waxayna tiri.

“Internet-ka dhankeyga faa’ido badan ayaan ku qabaa waxyaabaha aan ka faa’ido waxaa ka mida marka aan caajisanahay waxaa uu ii yahay nasasho, maalinta aana Facebook-ga gelin caqabad weyn ayaa jirta dhankeyga”.

Dhaqaatiirta indaha ku shaqada leh ayaa sheegaya in Iftiinka badan uu dhibaato u keeni karo qofka taasi oo keeni karta in Indhaha ay biyaha ka qalalaan.

Dr Axmed Cabdullahi waxaa uu ka waramayaa dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta Iftiinka badan ee Mobilada Smartiga waxaa uuna yiri “Iftiinka badan waxaa uu keenaya in qofka Ishiisa ay qalasho midadkeedana uu isbedelo “.

Isticmaalka Internet-ka waxaa uu horseedaa kelinimo qofkana uu gooni uu ka noqdo saaxiibada kale isga oo u arkayo in niyaddiisa ay ku dageyso.

Goobjoog News