U bood dhigaalka

Isu Soo Bax Roob Doon Ah Oo Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Dalka

Isu soo bax roob doon ah ayaa ka dhacay maanta  magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isu soo baxani ayaa dadka Alle ay kaga baryayeen inuu ka dulqaado culeyska abaaraha isagoo ugu bedalaya raxmaddiisa iyo roob.

Guddoomiye xigeenka maamulka degmada Jowhar Xasan Barow Bocor ayaa kamid ah masuuliyiintii dadka isu soo baxay kula hadlay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in dadku ay isugu soo baxeen in ay Alle weydiistaan naxariistiisa maadaama xilli roobaadkii ay ku tashanayeen dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah aynaan helin.

Degaannada gobolka Shabeellaha Dhexe iyo gobollo kale oo Soomaaliya ku yaalla weli ma aynaan helin xilli roobaadka deyrta taasoo keentay in dad iyo duunyo ay u dhinteen harraad iyo gaajo.

Dadweyne fara badan oo ku nool magaalada Jowhar ayaa ka qeyb galay isu soo baxa roob doonka oo Alle looga barayay in uu inoogu naxariisto roobka xilli deyrta.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha uu maro wabiga Shabeelle ee ka yimaada dhanka Itoobiya islamarkaana ay ka soo go’aan khudaarta cagaaran.

Goobjoog News