U bood dhigaalka

ISutaga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

21 July 2020: Guddiga Isutagga ururrada bulshada rayidka ee Soomaaliyeed iyo aqoonyahanno u ololeeya nabadda, xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda, oo ka kala socda dhammaan maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, waxa ay ku howlanaayeen xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee hareereyey qabashada doorashooyinka la filaayo in ay dhacaan 2020/21.

Guddiga isutaga bulshada rayidka waxa ay soo dhaweeyeen shirka wadatashiga ee looga dhawaaqey  magaalada Dhusamareeb ee xurunta Galmudug kaas oo isugu yimaadeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada federalka waxa ayna go’aansadeed in ay goobjog ka ahaadan shirka iyagoo u soo direy xubno ka wakiil ah.

Guddiga isagoo gudanaayo waajibaadka loo idmadey waxa ay ku soo biireen shirka wadatashiga ee dowlada xubnaha ka ah dowlada federalka ee ka furmey magaalada Dhusamareeb iyagoo isa soo xilqiimey waxa ayna shirar la qaateen madaxweynaha dowlada federalka, ra’isul wasaaraha dowlada federalka, madaxweynayasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federalka ee Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Puntland. Guddiga waxa kale oo ay shir la qaateen wasiirada arrimaha gudaha iyo dastuurka ee dowlada federalka, guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

 

Xubnaha Bulshada Rayidka waxa ay la wadaageyn mas’uuliyintaas dareenka shacabka iyo rajada laga qabo in mas’uuliyiinta ku heshiiyaan waxii dan u ah umada soomaliyeed suurtagalna ka dhigi kara in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, oo wadar ogol ah waxeyna ugu bogaadiyeen go’aankooda ah in wadahadal ka yeeshan qilaafka siyaasadeed ee dhexdooda ku jira. Waxa kale oo ay kala hadleen muhiimada bulshada rayidka u leedahey ka qaybgalka shirka wadatashiga iyo doorkooda ku aadan xal u helida muranka siyaasadeed.

Bulshada rayidka waxa ay ka xun yihiin in madaxda Soomaaliyeed isku koobaan shirka isla markaasna laga xadidey xuquuda shacbka u leeyihiin in ay ogaadan xogta shirka, si ay talo ugu yeeshan.

Xubnaha Bulshada Rayidka waxa ay xasuusinayaan madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareeb in maanta dalka ka jiraan dhibaatooyin ay sababeen dagaalo beeledyo ka dhacaya meelo ka mid ah dalka, fatahaado sababay dhimasho iyo barakac, cudurka COVID 19 oo dib ugu soo laabtey meelo ka mid dalka, shaqo la’aan baahsan oo dalka ka jirta iyo dabaylo, in madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareeb inay u jirnaxaan dadkaas ay matalaan,fududeeyaana goaamo  farxad galiya umada.

Bulshada Rayidka waxa ay shacabka soomaliyeed la wadaagayaan dareenkooda ah in shirka wadatshiga Dhusamareeb caqabadaha ugu weyn ee ku xeeran in ay yihiin is aaminaad la aanta iyo qof walbaa uu ku dhaganyahay aragtidiisii ku dhisan kooxaysi  iyo tanaasul la aan.

Bulshada Raidka waxa ay welwel ka muujineysa in iyadoo xili sharciyeedka dowladda ka harsan tahay muddo sedex bilood ah in madaxda dalka waqti badan ku lumiyaan Isfahan ay ka yeeshan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho xur iyo xalaal ah danta shacabkana ku jirto.

Haddaba, bulshada rayidka waxa ay soo jeedinayaan baaqan hoos ku qoran

 

  1. In Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culumo Udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareen inaysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed.
  2. In madaxda Soomaliyeed ee ku kulansan Dhusamareeb ay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud una tanaasulan shacabkooda isla markaasna ogaadan in talada lala leeyahay.
  3. In saaxibada iyo taagerayaasha beesha caalamka ee Soomaliya ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageradooda iney noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Somaaliyeed.

Ugu danbeyntii bulshada rayidka waxa ay u mahad celineysaa dowlad goboleedka Galmudug iyo shacabkeeda oo taageero dhinac walba la garab istaagey shirka wadatashiga ah ee magaalada Dhusamareeb.

WABILAAHI TOWFIIQ

Goobjoog News