U bood dhigaalka

Itoobiya: 50 Qof Oo Dhimatay Kadib Guryo Kusoo Dumay

Sheeko:Dalka

Dalka Itoobiya, ugu yaraan waxaa ku dhimatay 50 qof, waxaana la la’yahay Tobaneeyo kale kadib markii ay soo dumeen dhismooyin waaweyn oo ku yaalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Dhismahaan ayaa  marka uu soo dumayay waxaa ku hoos jiray dad gaaraya ku dhawaad 150 qof oo ahaa dadkii ku sugnaa meesha.

Suleymaan Cabddullaahi oo  ka mid ahaa dadka deggan goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in dhismaha uu ahaa dhismooyin muddo dhisnaa oo aad ay u liito tayadooda, waxaana la aaminsanyahay in ay dhismaha hoostiisa ay ku jiraan wali dad.

Gobolka Makab oo ku yaallo dalka Itoobiya ayaa ah meesha ugu badan oo ay ka dhisanyihiin guryaha daqoobay.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u aas aastay goob laga dhaliyo korontada taas oo loogu talo galay in lagu gubo qashinka iyo guryaha waaweyn.