U bood dhigaalka

Itoobiya: Adis Ababa Waxaa Ay Ka Shaqeyneysaa Xoojinta Kobaca Dhaqaalaha Iyo Dimoqaraadiyadda Somaliland

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in doorashooyinka loo qabto si xor ah oo ay ku dheehantahay hufnaan iyo nabadgelyo.

Hadalka wasiirka Itoobiya ayaa yimid ka dib markii uu kulan la qaatay madaxweynaha Maamulka Somaland Axmed Maxauud Siilaanyo kaasi oo ka dhacay magaalada Adis Ababa waxayna ugu hadleen doorashooyinka lagu wado inay isniinta ka dhacaan Somaliland iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac,  sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Dr. Workneh Gebeyehu ayaa hoosta ka xariiqay inuu diyaar u yahay dalkiisa dadaallada lagu horumarinayo xoojinta kobaca dhaqaalaha iyo dimuqaraadiyadda maamulka Somaliland.

Dhankiisa Madaxweyne Siilaanyo ayaa umahad Celiyey dowladda iyo Shacabka Itoobiya,isaga oo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay  xiriirka ku dheehan iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay inuu Siilaanyo la kulmi doono ra’iisulwasaaraha Itoobiya   Haile Mariam.

Madaxweyanha maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay ku tagay magaalada Aadis’abab ee caasimadda Itoobiya booqasho aan horay loo shaacin.

Goobjoog News