U bood dhigaalka

Itoobiya: Ciidamada Amxaarada Oo Wacad Ku Maray In Ay Weerarayaan Xoogagga TPLF

Sheeko:Amniga

Colaadaha bilaha ah ka socda Itoobiya ayaa wajahaya mowjad dagaal oo cusub, xilli maamulka sare ee ciidamada Amxaarada ay sheegen in ay saaka oo sabti ah weerar ku qaadi doonaan ciidamada TPLF ee gudaha u soo galay gobalkooda.

“Diyaargarow ayaa socda si dib howl gal loogu bilaabo, waxaan qaadi doonna weerar wuxuu bilaaban doonaa berri. Xorriyaddu ma ahan wax sahlan, Qof walba waa inuu soo baxaa oo is difaacaa”, ayuu yiri afhayeen u hadlay gobalka Amxarada jimcihii shalay.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa Jimcihii ka digtay in duulaanka ciidamada Tigreega ee gobollada Amxaarada iyo Canfarta toddobaadyadii la soo dhaafay  ay tijaabinayaan dulqaadka dowladda federaalka ayna ku riixayso inay beddesho niyadda difaaca ee loo qaatay xabad joojinta bani’aadamnimada ee halka dhinac ah.

Duulaanka ka socda gobalka Amxaarada ayaa barakiciyay in kabadan 300,000 kuwaas oo hadda duurka maciin biday.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad -joojin hal dhinac ah dabayaaqadii bishii Juun intii lagu guda jiray dagaalada Tigrayga ay bilaabayeen kadib dhabar jabintoodii.

Goobjoog News