U bood dhigaalka

Itoobiya: Ciidamada Federaalka Ah Oo La Wareegay Jigjiga Si Looga Hortago Dabka Cabdi Iley Ee Kilinka Soomaalida

Sheeko:Dalka

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa maanta la wareegay magaalada Jigjiga, oo ay ku jiraan xarumihii dowladda iyo baarlamaanka si looga hortago, laguna demiyo colaado uu ka dhex abuurayo Cabdi Iley qabiilada deegaanka kilinka ay Soomaalidu ka degto ee Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar oo loo yaqaano Cabdi Iley oo horey ugu caan baxay xasuuqa iyo jirdilida dadka Soomaaliyeed ayaa weli wada falal aad uga soo horjeeda xuquuqda aadanaha isaga oo maalimihii la soo dhaafay la sheegay in uu dilay oodoyaal badan oo ka tirsan dhaqan iyo guurtida deegaanadaas isaga oo adeegsanaya ciidamada isaga keliya ka amarqaata ee loo yaqaano Liyu Police.

Maanta Madaxweyne Cabdi Iley waxa uu fowdo, dhagaxtuur iyo hanti burburin ka sameeyey magaalada Jigjiga isaga oo adeegsanaya ciidamo la sheegay in hoggaaminayaan saraakiishii hore ee Itoobiya  sida oo ka mid yihiin General Gabre iyo General Abraha quarter taliskii Tigreega sida ay Goobjoog u sheegeen ilo wareedyo xogxogaal ah. Khasaaraha burbur ee ilaa iyo hada dhacay ayaa aad u ballaaran dhismooyinkii Waa weynaa ee magaalada sida kaniisadii iyo kuwo  kale.

Sida ay qortay Addis Standard  oo soo xiganeysa ilo dowladda Itoobiya ah, Cabdi Iley waxaa uu ciidamada Liyu Booliis ku amray Khamiistii inay yimaadaan magaalada Jigjiga isaga oo sidoo kale diiday inuu tago Adis Ababa si loogala hadlo arrimo amniga oo saameyn ku yeeshay dadka degan Gobolka Soomaalida.

Dadka ku nool dowlad deegaanka Itoobiya waxaa ay marar badan ku dibad-baxeen maamulka Cabdi Iley iyaga oo ka cabanayey inuu yahay kaliigii-talis, waxaa uu caado ka dhigtay dilal qorsheysan, afduub, kufsi ay ciidamadiisa ku kacaan, xarig aan loo aabo-dayin iyo siyaasad caburin.

Cabdi Ilay waxaa uu si fiican u adeegsaday Liyu Police, isaga oo ku dhibaateeyay Soomaalida Itoobiya iyo xataa Soomaalida kale ee xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cabdi Maxamed Cumar waxaa uu ahaa adeegaha Tigray, inta aanu dalka qabsan Abiy Axmed. Dad badan oo Soomaali ah ayaana ka cararay gobolka Soomaalida, waxaa uu dadka ka dhigay mid uu dilo, miduu xiro iyo mid uu masaafuriyo.

Xabsiyo farabadan ayuu Madaxweyne Cabdi  Maxamud u sameeyey maamulkiisa, waxaana ugu caansanaa Jail Ogaden. Sidoo kale sida ay qortay hey’adda xuquuqda aadanaha marka laga soo tago xariga sharci-darada ah iyo jir dilka, waxaa ku dhashay caruur badan oo ka dhashay kufsi loo geystay haweenka halkaas ku xiran.

Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo xilka hayey tan iyo 2005tii, waxaa uu waqti dheer adeegsaday arrimaha qabiilka iyo isku dirka Soomaalida iyo Oromada, taasi oo keentay inay dadka ka sii-jeestaan dhibaatada uu Soomaalida ku haayo.

Dadka ka faalaadooda arimaha Itoobiya gaar ahaan kuwa arimaha Kilinka ayaa ku tilmaamay talaabooyinka cusub ee Madaxweyne Cabdi Maxamud ay yihiin farsamooyin uu uga soo horjeedo isbadalka guud ee ka socda Itoobiya iyo gobolka Soomaalida.

Goobjoog News