U bood dhigaalka

Jubbaland Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixdey

Sheeko:Dalka

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Heila Maryam Desileg iyo madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis qeexaya waxyaabo ay dowladda Itoobiyo ka caawineyso maamulka Jubbaland.

Qodobada

1. Dowlada federaalka ee itoobiya oo siisey Jubbaland deeq Waxbarasho taas oo gaareysa ilaa 160 arday sanadkan taas oo noqoneysa waxbarashada qeybeheeda kala duwan sida injineerinka , caafimaadka , IWM

2-Tababarida shaqaalaha Jubbaland sida shaqaalaha wasaaradaha sida waasarada beeraha caafimaadka arrimaha bulshada tan amniga iyo arrimaha gudaha Adeega bulshada iyo maaliyada.

3-Tababarka ciidamada qeybohooda kala duwan militariga, nabad sugida iyo booliiska .

4-Howlgal saddex geesood ah oo bisha july ay wada qaadi doonaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee ka kala socda Itoobiya iyo Kenya.
Goobjoog News