U bood dhigaalka

Itoobiya Iyo ONLF Oo Gaaray Heshiis

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Itoobiya ayaa si rasmiya u shaacisay in ay heshiis la gashay jabhadda hubeysan ee ONLF oo muddo sanado ah dagaal kula jirtay.

Agaasimaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ninka lagu magacaabo Fitsum Arega, ayaa daboolka ka qaaday in heshiis ay la galeen Jabhado ay ku jirto ONLF kuwaasoo waddankani geeska Afrika ku yaalla ka waday kacdoonno ay ku daateen dhiig badan.

Wuxuu intaas ku daray agaasimaha in qodobada heshiiska la wada gaaray ay kamid yihiin Hub ka dhigis, kala dirista dagaallamayaasha ONLF iyo sidoo kale in la dhaqancelin loo sameeyo kaddibna ay si toos ah uga mid noqdaan ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya.

Arrinta hub ka dhigista iyo dib u soo dhexgalitaanka shacabka Soomaali Galbeed ayuu agaasimaha xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya Fitsum sheegay in ay ku jirto heshiiska. Waxaa uu ka dhawaajiyay in la howlgalinayo xafiis cusub kaasoo shaqadiisu ay noqon doonto dardargelinta heshiiskani.

Jabhadda ONLF ayaa dagaallo dhiig badani uu ku daatay kula jirtay dowladda Itoobiya, iyadoo mowqifkeedu ahaa sidii ay xukunka dowladdaasi uga madaxbannaaneyn lahayd gobolka Soomaali Galbeed.

Warbaahinta ka howlgasha wadanka Itoobiya ayaa laga soo xigtay in jabhadda heshiiska ay la gaaray xukuumadda Addisababa ay kala yihiin ONLF, OLF oo u dagaallanta xorreynta Oromada iyo Patriotic Ginbot 7 (PG7) taasoo ah urur mucaarad ah islamarkaana hubeysan.

Kooxahani ayaa lagu xasuustaa inay weerarro culus ka fulin jireen gudaha Itoobiya, haseyeeshee markii uu xafiiska la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed horraantii sanadkani bishii April 2018-ka waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayay dhinacyadani madax ka socotay.

Ugu dambeyntiina, Jabadda ONLF ayaa wali wax war ah ka soo saarin arrintani inkastoo madaxda jabhadda oo kal hore la hadlay Goobjoog News ay u xaqiijiyeen inay soconayaan shirar ay ku heshiinayaan iyaga iyo xukuumadda federaalka Itoobiya.

Goobjoog News