U bood dhigaalka

Itoobiya: Madaxweyne Mustafa Oo Ku Dhawaaqay Wasiirro

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee gobolka Soomaalida Itoobiya, mudane Mustafa Maxamed Cumar ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ee xukuumaddiisa.

Xubnaha uu magacaabay madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Musfata Cumar ayaa gaaraya 27 xubin.

Gollaha sharci dejinta ee DDSI ayaa kulan ugu qabsoomay xarunta maamulkaasi ee magaalada Jigjiga codka kalsoonida ah ku siiyay wasiirrada cusub, iyadoo goobjoog uu ahaa madaxweyne Mustafa.

Sidoo kale Xildhibaannada DDSI ayaa meelmariyay Hanti-dhowraha cusub oo loo magacaabay Ismaaciil Axmed iyo masuul kale oo loo magacaabay arrimaha bartool iyo macdanta gobolka.

Kulankii maanta baarlamaanku ku yeesheen Jigjiga ayaa la soo sheegayaa inuu ka duwanaa kulamadsii hore ay u yeelan jireen waxaana xubnaha baarlamaanka xalay loogu diray fariimo Taleefoonnadooda, oo lagu wargeliyay inay kasoo qeyb-galaan kulanka ansixinta wasiirrada cusub.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa ka yara deggan sidii hore tan iyo markii la soo magacaabay madaxweynaha cusub oo beddalay Axmed Ilkacase oo si KMG ah xilka loogu magacaabay markii Cabdi Maxamuud Cumar laga xayuubiyay.

Lama hubo in xukuumadda cusub ee Jigjiga ay kamid yihiin xubno ka tirsan ONLF, oo dhowaan shaaciyay inay taageersan tahay isbedelka dhacay, iyadoo ogolaatay inay wadahadal la gasho xukuumadda magaalada Addisababab ee uu hormuudka u yahay Raysal wasaare Abiy Axmed Cali.

Magacyada xubnaha wasiirrada ee Soomaali Galbeed oo maanta la ansixiyey ayaa kala ah:

1 Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar

2 Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim

3 Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi

4 Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad

5 Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi

6 Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse

7 Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed

8 Wasiirka Beeraha C/qaadir iimaan

9 Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi

10 Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan

11 Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi

12 Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji

13 Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim

14 Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq

15 Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar

16 Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan

17 Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri

18 Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali

19 Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali

20 Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed

21 Wasiirka Sayniska Axmed Naaji

22 Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib

23 Maareeyaha Xafiiska xirfadaha iyo tababarrada

24 Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali

25 Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giire

26 Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi

Goobjoog News