U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Bilowday Koronto Ka Dhalinta Biyo Xireenka “Nahda”

Sheeko:Dalka

Itoobiya ayaa sheegtay in ay bilowday ka dhalinta korontada biyo xireenka wabiga ka hor inta uusan dhamaanin dhismihiisa, arrinkaani ayaa timid ka hor kulanka wasiirada waraabka ee dowladaha Itoobiya,  Masar iyo Suudaan.

Mashruuca biyo xireenka ayaa hadda waxaa ka harsan 30%, waxaana la sheegay in koronto ka dalintaiyo dhameystirka uu noqon doono mid tartarttib u dhamaada.

Wasiirada dhirta iyo daaqa ee dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa waxaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan maanta oo arbaco ah magaalada Adis-ababa, kaasi oo diiradda lagu saarayo sidii xal ka mada dambeys ah looga gaari lahaa arrimaha khilaafka eek u saabsan biyo xireenka.

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday dhismaha biya xireenka sanadkii 2011,kaasi oo ay ka bilowday wabiga Niil ee magaalada Khuba.

Khuba ayaa waxay ku taalaa xaduudka qeybiya Suudaan iyo Itoobiya waxayna 980 KM u jirtaa Adis-ababa,   waxaana la sugayaa in mashruuca la dhameystiro bisha Julay ee soo socota.

Dhanka kale dowladda Masar ayaa waxay cabsi ka muujisay in uu saameyn ku yeesho biyo xireenka ay sameyneyso Itoobiya, waxay Adis-ababa sheegtay in arrinkaani aysan ula jeedin in ay waxyeeleyso Masar.

Korontada laga dhalinayo biyo xireenkaan ayaa waxay gaareysaa 6 kun oo Megabay oo gudaha ah waxayna itoobiyo sheegtay in arrinkaani uu ka qeyb qaadanayo in lagu takhaluso saboolnimada .

Goobjoog News