U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Dayax-gacmeed Direysa Sanadka Soo Socda

Sheeko:Dalka

War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Addis-ababa ay  sanadka 2019 hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo uu dalkaasi yeesho, sida xaqiijiyaya xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya waxaa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya.

Madaxa Machadka Teknoolijiyadda Hawada sare ee Itoobiya Dr. Selemon Belay ayaa sheegay in la dhameystiray fasaxii caalamiga ahaa ee looga baahnaa diiwaan gelinta ceymiska marka dayax gacmeedka hawada sare loo diro.

Sanadkii hore, ra’isul wasaare Haile Mariam Dessalegn ayaa shir guddoomiyey shirkii ugu horeeyey arrimaha hawada sare looga hadlayo, shirkan oo ka dhacay Adis Ababa, Dessalegn waxaa uu sheegay in 2 sano gudahood ay diri-doonaan dayax-gacmeed.

Wuxuu Dayax-gacmeedkan oo hawada sare loogua dirayo gudaha dalka Shiinaha lafilayaa in uu Itoobiya ku soo gaalo muddo kooban oo gaaraysa 4 maalmood gudahooda,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dayax-gacmeedkan , waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Itoobiya ayaa haddii ay ku guuleysato inay dayax gacmeedka hawada u dirto waxay noqon doontaa dalkii 7aad ee Afrikaan ah oo yeesha dayax-gacmeed u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeed u sameystay dalalka Masar, Koofur Afrika, Nigeria, Ghana, Angola iyo Kenya.

Goobjoog News