U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Laga Qaadayo Xaaladda Deg-degga Ah

Sheeko:Dalka

Dalka Itoobiya ayey Golahiisa Wasiirrada isku raaceen in la qaado xukunkii deg-degga ahaa ee ay horay uga soo rogtay xukuumaddoo hore.

Go’aankan kasoo baxay Golaha wasiirrada Dalka Itoobiya ayaa loo gudbin doonaa Baarlamanka Dalkaasi si isna uu u meel mariyo. Hindisahan waxaa meel-mariyay xisbiga talada haya iyo dhammaan axsaabta kale ee ku jirta baarlamaanka Itoobiya.

Xaaladdan deg-deg ah oo la soo rogay xilligii ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn Boshe ayaa muuqato hadda in laga maarmay kadib isbadalkii dhacay, dhaq-dhaqaaqan iyo dhiig cusub oo la yimid ra’isul wasaare Abey Axmed

Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa tallaabadan loogu qaadayo xaaladdii deg-degga ahayd ee saarnayd Dalkaasi ku macneeyay inuu soo laabtay sharcigii iyo kala dambayntii Dalka.

Goobjoog News