U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Sheegtay Iney Dishey 70 Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee  Associated Press, ciidamada Itoobiya oo duqeyn ka geystay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 70 ka tirsan Al-shabaab.

Fana Broadcasting Corporate oo ah warbaahin ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyntan ay dhacday si looga hortago weerar ay Al-shabaab la damacsanaayeen ciidamada Itoobiya oo safar ahaa inay dhexda u galaan.

Qoraalka waxaa kale oo lagu sheegay in la burburiyey 2 gaari, oo ay ka buuxeen hub iyo saanad kale, lama sheegin goorta iyo goobta uu weerarka dhacay.

Brig. Gen. Yilma Merdassa  oo ka tirsan ciidamada oo cirka waxaa uu leeyahay “Waan gaarnay 100%   hadafkii aan qorshahan ka laheyn”.

Duqeyntan ay dhulka Soomaalida ka geysteen Itoobiya, weli kama jawaabin dowladda Soomaaliya, sanadkan keliya Mareykanka waxaa ay Soomaaliya ka geysteen in ka badan 22 weerar oo duqeyn cirka ah.

Goobjoog News