U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Xirtay Xuduudda Aan Rasmiga Ahayn Ee Dhanka Balanballe, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney xirtey xadka aan rasmiga ahayn ee ay Soomaaliya kala leedahay dhanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha degmada Balanballbe, Jaamac Xayle Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay in Itoobiya ay xirto xadkaasi.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in dadka Labada dhinac kala deggan ay kala dukaameysan jireen, balse hadda dhibaatada ugu weyn ay soo wajahday dadka reer guuraaga ah.

“Dadka deegaankaan deggan Labada dhinac waa ay jiraan oo waa dad reer guuraa ah, inta badan dadkii dhanka Itoobiya jiray waxaa loo diiday isku socodkii iyo gaadiidka, dadka waxay biyaha iyo raashiinka ka heli jireen Balnballe balse hadda waa loo diiday, xaaladana waa ay adag tahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Lama oga sababta ka dambeysa in dowladda Itoobiya ay xirto xadka dhanka Balanballe.

Goobjoog News