U bood dhigaalka

Itoobiya: Xaaladda Deg-degga Ah, Maxay Ka Dhigan Tahay?

Sheeko:Dalka

Waxaa dalka Itoobiya lagu soo rogay xaalad deg-deg ah ka dib is-casilaaddii ra’isul wasaare Hailemariam Deselegn.

In kasta oo aan la shaacin xilliga ay ku eg tahay iyo shuruudara ay wadato, haddana waxaa muuqata in ay dadka reer Itoobiya ay horay usoo arkeen tillaabo tan oo kale ah muddo 10 bil ah.

Dibad-baxyada ayaan is-dhimmin xitaa markii todobaadyadii la soo dhaafay ay xukuumaddu fasaxday maxaabiis ay ku jiraan mucaaradku.

Dibad-baxyada ayaa socdey tan iyo 2015-kii, lamana oga sababta ay u dagi la’yihiin ka dib is-casilaaddii  Hailemariam Deselegn.

Dalka Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in uu galo xaalad dagaal, waxaa aad u kacsan qowmiyadda ugu tirada badan ee Oramada, sidoo kale waxaa arrintaasi la qaba qowmiyado ay ka mid yihiin Amxaarada iyo Soomaalida qaarkeed.

Goobjoog News