U bood dhigaalka

Itoobiya: Xiriirka Nagala Dhaxeeya Turkiga Waa Mid Wanaagsan

Sheeko:Dalka

Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya dalka  Turkiga uu yahay mid aad wanaagsan oo horumar leh.

Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya  oo magaalada Adis-abab ku soo dhaweeyay ku xigeenka wasiirka arimaha dibadda dalka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada waddan uu yahay mid aad u wanaagsan.

Wasiirka Itoobiya ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeyaa Turkiga iyo Itoobiya uu xilligaani yahay mid fiican , isagoo tilmaamay in labada wadan ay ka ciyaaraan kaalin weyn  heerka xiriirka caalamiga ah isagoo ku dhisan dhexdhexaadnimo.

Turkiga iyo Itoobiya ayaa hadda waxay  xoojinayaan xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya kaasi oo dan ay ugu jiro  labada shacab ee Turkiga iyo Itoobiya.

Dowladda Turkiga ayaa waxay tahay dowladda ugu weyn ee maalgashato dalka Itoobiya, iyadoo  Turkiga ay ka sameysay dalkaasi mashaariic horumarineed ee kala duwan.

Goobjoog News