U bood dhigaalka

Jaaliyada Soomaalida ee Turkiga oo soo dhoweeyay guusha Erdogan

Sheeko:War
Ordogan1
Ordogan iyo Marwadiisa oo dhexda kaga jira barakacayaal Soomaaliyeed oo ku sugan xerada Rajo ee Muqdisho, 2011-kii

Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Turkiga ayaa soo dhaweeyay doorashadii Madaxtimo ee uu ku guulaystay Ra’iisal wasaaraha xilka ka sii dagaya ee dalkaas Receb Dayib Ordagan.

Xoghayaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ayaa sheegay in Ordagan uu yahay shaqsi kaalin ka qaatay sidii loogu gurman lahaa Dad u badan oo ka soo cararay Gobollada Dalka.

Faarax Cabdikariin, Xoghayaha Jaaliyadda Soomaalida Dalka Turkiga waxa uu ugu baaqay Madaxwaynaha la doortay in uu xoojiyo xiriirka kala Soomaaliya. Dalka Turkiga waxaa ku nool soomaali fara bada oo halkaas u jooga waxbarasho iyo ganacsi xilli xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu aad u sareeyo.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa in loo dhaariyo xilkiisa 28 bishaan August ee sanadkaan oo ay ka harsan tahay 17 maalin.
Erdogan ayaa lagu xasuustaa booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku yimid Magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii xilligaas oo ay dalka ka dhacday abaar ba’an.

Erdogan ayaa tusay indhaha caalamka in Soomaaliya ay ka jirto fursado badan oo lagu gargaari karo, isla markaana la booqan karo, wixii intaa ka dambeeyay waxaa isasoo tarayay madax ka socota caalamka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.