U bood dhigaalka

Jaamacad Suudaan Ku Taallo Oo Ardey Soomaaliyeed Siiyay Deeq Waxbarasho

Sheeko:War

Iskaashi u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya safaaradda Suudaan ay ku leedahay Mugadisho iyo hay’adda dacwatul Islaamiyah ayaa lagu wadayaa araday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda Ifriiqiyaa caalamiyah ee dalka Suudaan.

Ardadaan ayaa tiradooda waxay gaarayaan 28 arday kuwaas oo nasiib u yeeshay inay qeb ka noqdaan bahda wax ka barata dalka Suudaan gaar ahaan Jaamacatul Ifriiqiyaa.

Agaasimaha xafiiska Mugadisho ee hay’adda Dacwatul Islaamiyah  Sayid Cali Xuseen ayaa ardayda kula dardaarmay in ay sii wataan waxbarashadooda isga oo kaga digay inay tahriibaan inta lagu guda jiro waxbarashada.

“Dardaarankeyga waxaa uu yahay nimanyahow dadaala, sanadkii hore inta waxbaan ku sa gootinay waxaan u sheegay laba bil ka dib Jaamacadda waa imaanaa waana tagay,waxaan u tagnay ardadii aan kala dardaaranay tahriibka oo afar ka mid ah ay tahriibeen”.

Qunsulka Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Cabdiraxiim Taajud Diin ayaa isna ka hadlay ardaydadaan iyo goobaha la geyn doono.

“Aniga ka mas’uul ahaan sidaan idiin sheegay Jaamacatul Ifriiqiyaa waa jaamacad ay wax ka bartaan bulsha weynta aduunka eek ala gadisan sidaan arki doontaan”.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku nool arday fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha kala duwan eek u yaallo dalkaasi.