U bood dhigaalka

SIMAD oo ku guuleysatay tartan loogu dabaal dagayay sanadguuradii 2-aad ee Goobjoog FM

Sheeko:Cayaaraha

[huge_it_slider id=”23″]

Ciyaar loogu dabaaldagayay sanadguuradii labaad ee kasoo wareegatay aas aaska Goobjoog FM ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho waxa ayna ciyaartaas dhax martay Wariyaasha Goobjoog FM iyo Macalimiinta Jaamacada SIMAD.

Kulankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Agaasimaha Idaacada Goobjoog Xasan Maxamuud Maxamed iyo Gudoomiyaha Jaamcada SIMAD C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada SIMAD Dahir Carab iyo mas’uuliyiin kale.

Ciyaarta ayaa dardar ku bilaabatay waxaana u suura gashay Wariyaasha Goobjoog FM in ay laba gool ku hormaraan balse macalimiinta Jaamacada SIMAD oo qibradooda kaashanaya ayaa waxa ay keensadeen sadex gool oo deg deg ah waxa ayna ciyaarta ku dhammaatay 3-2 oo ay SIMAD ku adkaatay.

Macalimiinta Jaamacada SIMAD ayaa halkaa lagu gudoonsiiyay koobkii quruxda badnaa ee Goobjoog FM ugu talagalay dabaaldaga sanadguuradii labaad ee kasoo wareegaray aas aaskeeda.

Goobjoog FM ayaa waxaa la aas aasay bishii July 14-keedii sanadkii 2012 waxa ayna ku tilaabsatay horumar ay bulshada Somaliyeed u wada riyaaqeen isla markaana ay soo dhaweeyeen.