U bood dhigaalka

Jaamacadaha Dunida Ugu Sarreeya  Sanadkan 2017-ka

Sheeko:War

Waxaa la soo saaray Jaamacadaha ugu sareeya xagga aqoonta ee caalamka, Laakiin kaalmaha ugu muhiimsan waxaa ku jira jaamacadaha Harvard iyo mac’hadka Massachusetts Institute of Technology.

QS lagu qiyaaso kala sarreynta jaamacadaha dunida ayaa la eegayay sanadkan 46 maaddo oo mowduucyo kala duwan ah, waxaana la eegayay sanadkan awoodaha takhasusyada ay jaamacaduhu bixiyaan..

Jaamacadda Harvard ayaa ku horreysa 15 maaddo oo ay ka mid yihiin; Taariikhda, Caafimaadka iyo Biology.

Dhanka mac’hadka Massachusetts uu isna ugu sarreeyo dunida 12 maaddo oo ay ku jiraan, Xisaabta, Chemistry iyo Physics-ka.

Jaamacado dalka Ingiriiska ka dhisan ayaa iyaguna ka qeyb ah kuwa ugu sarreeya dunida, sanadkan oo kaliya waxay soo saareen 43 milyan oo cilmibaarisyo ay, 305,000 oo academic survey ah.

Jaamacadda Loughborough ayaa noqtay tan ugu wanaagsan maadooyinka dhanka Sports-ka xiriirka la leh, iyadoo soo saartay haldoor tiro badan oo dhankaas ah, halka jaamacadda Sussex ay noqotay tan ugu wanaagsan dhanka horumarita ardayga iyadoo dhankaa kaga hormartay jaamacadda Harvard oo horey ugu wanaagsaneyd dunida.

Kulliyadda Royal College ee Boqortooyada Ingiriiska  ayaa noqotay tan adduunka ugu sarreeysa dhanka Fanka qurxinta iyo Design-ka farshaxanka iyo waliba mac’hadka waxbarashada oo qeyb ka ah jaamacadda College ee London, waxa uu galay kaalinta koowaad ee dhanka kulliyadaha waxbarashada.

Jaamacadda Cambridge ayaa loo aqoonsaday iney tahay tan ugu dheellitiran maddooyinka, 10 jaamacadood ee adduunka ugu sarreeya, dhankaas waxaa kaga soo xiga jaamacadda California, Berkeley.

Jaamacadda ETH Zurich ayaa noqotay tan ugu saameynta badan dhanka culuumta dhulka iyo badda ee marine sciences, iyadoo jaamacadda While Hong Kong ay noqotay tan ugu sarreysa dhanka caafimaadka ilkaha ee Dentistry.

Ben Sowter oo ah madaxa baaritaanka QS lagu qiimeeyo jaamacadaha ayaa tiri, ” in jaamacadah adduunka lagu kala saaro takhsusyadooda ayaa ka saameyn badan sidii hore ee dhanka kala sarreynta”.