U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta: Mareykanka Haddii Uu U Aqoonsado Qudus Caasimadda Israa’iil Waxay Sii Dhiiro-galintoondaa Xagjirnimada

Sheeko:Dalka

Xoghaya guud ee ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa sheegay in haddii uu mareykanka uu ku adkeysto Qudus in loo magacaabo caasimadda Isra’iil ama loo guuriyo safaaraddiisa Tel Aviv ku taalo in arrinkaasi ay ka dhalan doonto sii xoojineyso xagjirnimada bariga dhexe.

Ahmed Aboul Gheit oo war-saxaafadeed ku baahiyey barta ay Internetka ay ku leedahay ururka Jaamacadda Carabta ayaa yiri “ waxaan si cad u leenahay dhaqamadaan oo kale ma ahan kuwo marmarsiyo ah… Mana u adeegayaan xasiloonida iyo nabadgalyada balse waxay sii dhiiro galinayaan xadgudubyada iyo xagjrnimada waxayna dani ugu jirtaa hal dhinac oo kaliya waana Israa’iil oo ka soo horjeeda nabadgalyada”.

Ahmed Aboul Gheit waxaa uu tilmaamay in la sameeyo xiriir ka dhaxeeya Falasttin iyo dowladaha Carbeed si looga hortago horumar kasta oo laga sameeyo arrintaani.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in magaalda Qudus uu u aqoonsan doono caasimadda Isra’iil taasi oo ah ballamihii uu qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada.