U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta Maxay Ka Tiri Doorashooyinka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka hadlay doorashooyinka ka socda Soomaaliya, isaga oo soo dhoweeyey hanaanka ay u socdaan doorashooyinka iyo sida xildhibaannada Labada aqal loo soo doortey.

Waxa uu xoghayaha tallaabo wanaagsan ku sheegay furitaankii Kalfadhigii Kowaad ee baarlamaanka Soomaaliya taasi oo si nabad galyo ah uga dhacday magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Carantu ayuu sheegay iney u aragto waxyaabaha hadda ka socda Soomaaliya arrin geesinimo iyo horumar ah, iyo iney tahay tallaabo wanaagsan oo horey loo qaaday.

Axmed Abuu Al-qeyd ayaa sidoo kale sheegay in Jaamacadda carabta ay diyaar u tahay iney ka qeybqaadato kormeerka doorashooyinka guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, una soo diri doonaan wafdi sare oo indho indheeya hannaanka doorasho ee Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha u dhacayaan.

11-ka bishan ayaa guddiga qaban qaabada doorashooyinka guddoonka golaha shacabka waxay iney dhici doonto doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, ku xigeennadiisana la dooran doono 12-ka bishan.

Goobjoog News